Sidee Loo Dhimi Karaa Adeegsiga Dhuxusha iyo Nabaad Guurka ay keento?

October 30, 2009

Wadanku sabab la’aan saxare isuma badalo.  Markasta oo la arko dhul saxare ah, wax dhir iyo noole ku dul noolna aysan muuqan waxaa la heli karaa, siyaalo fara badan oo dadka dhulkaa ku dhaqan/ku dhaqnaan jiray, ay uga qeyb qaateen nabaad guurka dhulkaas haleelay.

Wadanka Soomaaliya waxaa uu ka mid yahay meelaha toos looga dheehan karo sida dhaqanka dadka ee aan la xadidin uu u horseedi karo nabaad guur wadanka ku yimaada iyo waxyeelo aan sahlaneyn in mastaqbalka wax laga qabto.

Halkan riix si aad u akhrisato qoraalka oo dhameystiran


Dhibaatadu gude iyo dibad: Waa ina wada gaadhaye ma isla garanaa?

May 22, 2009

Dhibaatada maanta ka jirta gudaha iyo dibada nolosheena, kulligeen waa ina wada gaartay, Laakiin, wali islama aynaan garan. Maxa keenay, Maxaase daawo noqonkara? Xirmadaan qoraalna arintaas ayeynu ku eegi doonaa. Idam allaah.

Halkan ka akhri qoraalkaan oo dhameys tiran


Geeska Afrika: muxuu u yahay bar kulmis muddo dheer aan joogto u xasiloonayn?

April 18, 2009

Waxaan dhammaan u wada baahanahay, in aan geesinimo u yeelano. In aan aqoonsano, hanaankii nololshu in uu inaga murgay, aana ku socono waddo burbur halaag, khasaare mooye aan wanaag lagu gaari karin.

Waa in aan aqoonsano in hanaanka adduunku ku wada xiriiro in aan dibadda uga baxnay. Sida aynu isu fahmi weynay dhexdeena ayaa cid kasta oo kalena inoo fahmi la’adahay.

Intaas kadib, waa in aan wadahadal mas’uuliyad iyo rabid hesheen sal u yihiin joogtayno inta aan gaareyno dib u soocelinta habnololeed murug ka xor ah, dibna aan uga mid noqonayno adduunka intiisa kale.

Halkan ka akhri qoraalkan oo dhameystiran.



Baahida loo Qabo la Xisaabtanka Ururada iyo Hay’adaha Samafalka.

April 16, 2009

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha gaajada iyo wax la’aantu ay gaareen heerka ugu liita aduunka. Maalaayiin dad ah ayaa waxay ku nool yahiin nolol aad u hooseeysa. Dadkaasi waxaa cariiri uga jira wax kasto oo daruuri u ah aasaaska nolosha; haday noqon laheyd cunto, amni ama hoy intaba.

Sidaasoo ay tahay, dadkaa daruuftu haysato meel walba oo ay joogaan waxaa dhex wareegaya boqolaal gaari oo nooca 4X4 u badan, kuwaas oo ay ku dul qoran yahiin xarfo la soo gaabiyey. Gawaaridan badanaa waxaa wata dad sheeganaya in ay u shaqeeyaan ururo samafal.

Dadka ururadan u shaqeeya waxay ku socdaan gawaarida wadanka lagaga socodo kuwa ugu tayo roon. Waxay ka soo toosaan oo ay dagan yahiin ama u kireysan guryaha/hoteeladda magaalo walba ugu hillan. Waxayna helaan mushaar iyo dakhli aad uga sareeya midka dadka wadanka ku nool ku shaqeeyaan.

Waxaa lala wada socdaa hantida dadkani istimaalayaan in ay ka timaado tabarucaadka ay bixiyaan dadka ku nool wadamada dhaqaalahoodu horumarsan yahay. Siiba dadka ku nool wadamada Galbeedka iyo Khaliijka carabta.

Dhaqaalahaas waxaa loogu talo galay in wax loogu qabto dadka tabaaleysan. Ujeedaduna ma aha in 20% wax ka badani ay ku baxaan maamulka iyo mushaarooyinka dadka deeqdan maamulaya.

Sanadkii 2008 lacag 600 milyan oo doolar kor u dhaaftay ayaa Soomaliya deeq ahaan uga soo gaadhay wadamada reer galbeedka kaliya. Mida wadamad khaliijka ka soo gaadhayna waxa la rumeysan yahay in aysan taas ka yareeyn. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxaa ay tahay. Muxuu yahay saamiga la gaarsiiyey dadka tabaaleysanaa?  

Saami intee le’eg ayaa ku baxa mushaarooyinka, xog uruurinta, la taliyaayaasha u shaqeeya ururada caalimiga ah iyo kuwa dilaaliinta u noqday ee la sheego inay fuliyaan waxqabadkii loo bahnaa in dadka tabaaleysan loo qabto?

Sidee lagu hubin karaa in uusan ururadan kharashkoodu ka badan midka dadka tabaaleysan wax loogu qabnayo?  Dadka ururadan u shaqeeya ee qaadanaya mushaarka iyo dakhliga aadka uga sareeya mida dadka wadanka ku nooli heelaan waxqabadkooda tayadiisu see tahay?

Su’aalahan iyo kuwa la midka ah ma sahlana in jawaabtooda si fudud loo helo.  Deeqahan badankoodu waa deeqo gargaar ahaan wadanka loo soo gaarsiiyo. Gargaarka deeqda ahina waa cunto, dawo iyo wax markaa naftu yey ka dhicin looga dan leeyahay. Waxaase taa dhinac socda taageero badan oo wadanka loo soo gaarsiiyo in wax lagu horumariyo.  Deeqaha noocan ah ayaa loo baahan yahay in feejignaan dheeriya la siiyo. 

Ururadan iyo hay’adaha ay ku xiran yahiin, waxay marwalba ka hadlaan baahida loo qabo, in wax walba la muujiyo sida ay u shaqeenayaan (transparency). Runtiina waa arin aad u wanaagsan haddii la hirgaliyo. Qof walba waxaa u muuqaneysa waxa doorkiisu yahay. Sidoo kalena wuxuu arki karayaa waxa xaqiisu yahay. Haday taasi dhacdana waxaa yaraaneysa in qof xaqiisa la duudsiyo.  Wax muujintu waxay ku haboontahay inay noqoto, wado labada dhanba loo raaci karo. Kuma haboona in hal dhan kaliya laga dalbado.

Ururadan iyo Hay’adaha ay ku xiran yahiin waxaa caado u ah, in mid wabaa uu tabeelo magacoodu ku qoran yahay ku dhajiyo meeshii uu wax ka qabanyo. Waa arin wanaagsan in la muujiyo magac hay’ada maal galineysa iyo mida fulineysa.  

Sida ay magacooda ugu qoraan meel walba oo ay wax ka qabanyaan ayaa looga baahan yahay  in mashruuc walba ay ku qoraan:

  1. Guud ahaan qarashka loogu talo galay mashruuca,
  2. Inta mushaarooyin iyo kharashaadka u baxaysa,
  3. Inta dadka tabaaleysan toos u gaareysa,
  4.  Iyo inta Ururka fuliniya qaadanayo.


Sidaa haddii la yeelo, waxaa la rumeysan yahay, dadka tabaaleysan waxaa u kala cadaanaya cida wixii loogu talagalay soo gaarsiisay iyo kuwa ayagu ku daneysata. Qolayah mashaariicda fulintooda lagu aaminay waxay ogaanayaan in dadku ogyahiin qarashka mashruuca loogu talo galay. Markaana dadku waa ay kula xisaabtami wixii meesha ay  ka qabteen inay yahiin wixii la rabay. Waxay yareyneysaa in dadka laga been sheego. Wax aan loo qabana la yiraahdo waa loo qabtay.


Maamulladda iyo Hay’adaha ka Howl Gala Soomaaliya Xagey Dhaqaale ka Helaan, Xageyse wax Geeyaan?

April 12, 2009

Wadanka Soomaaliya meelaha maamulladu ka jiraan, Waxaa jidha canshuur dadweynaha laga qaado. Canshuurtani waa noocyo badan tahay. Waxayse u badan tahay mid laga qaado:

  • Waxii la dhoofinayo ama la soo dajinayo.
  • Dadka garoomadda diryaardaha ka soo dagga
  • Dukaamadda iyo ganacsiyadda kale
  • Gaadiidka sida babuurta
  • Xoolaha la iibinayo
  • Waxsoosaarka warshadeysan(cabtaanadda, kaluunka, qalabka dhismaha i.w.m)
  • Waxsoosaarka beeraha
  • Guryaha la dhisayo ama la kala iibsanayo

Ma jiro maamul lacagta beera oo ay geedo uga baxdo. Maamul kastaa waxaa uu ku socodo waa hantida dadweynaha laga soo aruuriyo. Kalkaalada la siiyana waxaa loo siiyaa baahida meesha ka jidha ama arin la doonayo in dagaanka laga hirgaliyo. Maamulladan waxay mudan yahiin in lagu cadaadiyo inay soo bandhigaan canshuurta ay qaadan iyo deeqaha la siiyo sida ay u baxdo iyo meesha ay ku baxdo. Waxaa la rumeysan yahay haddii sidaa la yeeli lahaa inay hoos u dhigeyso tuhunka aan xaqiiqda ku saleysneyn ee dadweynaha qaarkii maamulladda ka qabo.

Maamulladda naftooda waxay u sahleysaa inay dadka ka dhaadhicyaan koobnaanta awoodooda dhaqaale. Taasina waxay xadideysaa in dadku ka dalbadaan waxaan awoodood aheyn. Dadweynaha waxaa ay bari laheyd sida nidaamka dawliga ahi u shaqeeyo. Markaana waxaa imaanaya wada xisaabtan xaqiiq ku saleysan. Kana fog male awaal. Sidoo kale dadweynaha waxay u sahleysaa inay kala doortaan nidaamka lagu xukumayo sida uu noqonayo, haddii uu noqonayo mid goboleysi ku saleysan ama mid dawlad dhex.

Maamuladda jira badankood waxay leeyahiin mareego intaneed ah(websites) Badanaa waxay ku soo daabacaan axdi ay sheegtaan inay ku shaqeeyaan (luuqad qalaadba ha ku qoranaadee) Barahaas waxaa kaloo ka buuxa warar ka sheekeynaya meelaha nimanka u madaxda ahi ay booqdaan. Arintaa waxay sidaa u yeelayaan, malaha si ay garawsiimo uga helaan ururadda caalamiga ah ee ay ka doonayaan aqoonsi iyo agabka kale. Maxaa yeelay, haday arintaani ka ahaan laheyd in ay dadkooda ka dhaadhicyaan qawaaniinta ay ku dhaqayaan waxaa axdiga lagu daabici lahaa luuqad dadka u sahlan in ay fahmaan.

Intaa waxaa dheer, Wadanka waxaa ka jira dhaqaale deeq ahaan ku yimaada. Dhaqaalahasi badankiisu waxaa codsada hay’addo kale duwan. Waxay sheegaan inay wax ugu qabanayaan dadka tabaaleysan ee Soomaaliya ku nool. Run ahaantii badankoodu howlo muhiim ah ayey dadka u qabtaan. Haday meesha ka maqnaan lahayeena, malaha, dandaradu intan waa ay ka badnaan laheyd.

Hay’adahu marka ay dhaqaalaha codsanayaan si dhameystiran ayey u soo qoraan wax ay doonayaan inay qabtaan. Xogtooda oo dhameystirana si sahalan ayaa loo heli karaa.

Mar haddii deeqdan lagu soo qaadayo magac dadka taabaaleysan. Waxaa loo baahan yahay in la helo xog dhameystiran oo ka warameysa meesha dhaqaalahaasi ku baxay iyo sida uu u baxay. Waliba waxaa loo baahan yahay in xogtaa lagu qoro af-soomali si dadka la leeyahay waxaabaa loo qabtay ay u ogaadaan una xaqiijiyaan dhab ahaanta waxqabadkaas.

Waxaa kaloo loo baahan yahay in la ogaado boqolkiiba inta dadka tabaaleysan toos u gaadha iyo boqolkiiba inta ku baxda maareynta iyo maamulida ururadda deeqahan maamulaya.

Runtii waa arin laga xumaad in dadkii la sheegay in wax loo qabtay ama cidda ka wakiilka ahi aysan fursad u laheyn inay helaan xog ka warameysa deeqda la leeyahay waa la gaarsiiyey boqolkiiba inta ayga la soo gaarsiiyo iyo inta ururaddu hawshaan fuliyey ku baxday.

Dhanka kale ururada codsiyadooda badanaa waxay ku carbaabaan tiro dad ah. Dadkaasi malaha cinwaan sugan oo lagu soo kormeeri karo. Taasna waxay sahashaa in kooxo wax ka yaqaan haykalka hay’adahaan u shaqeeyaan ay ku daneystaan. Maalinta kormeer la filayona ay xoogaa dad ah soo uruuriyaan si loo tuso cida meesha imaneysa. Sidoo kale waxa dhici karta inay codsadaan qarash ay ku dayactiraan ceel ama berkado aan waxba qabin. Deedna inta wax naf laheyn la qabto sidaa waxqabad lagu sheego.

Dadka Soomaaliya ku nooli uma laha awood ay ku dalbadan in xogtaas loo soo bandhigo. Caqabado badan oo ka hor joogsanay ayaa jira. Caqabadahaas waxaa u horeeya maamuladda meesha ka taliyaa laf ahaantooda ayaa dadkooda wax xog ah la wadaagin. Mar haddii ayagiiba aysan sheegin canshuurta ay qaadaan inta ay le’eg tahay iyo meesha ay ku baxdo, daw noqon meyso inay urur madax banaan ay ku yiraahdaan sheega meeshaad wax geysaan.

Halkan ka soo rogo codsiyadda ururada ku dalbadeen magac dadka tabaaleysan 2009

waxaa laga soo xigtay ReliefWeb. Su’aashu waxay tahay imasaa boqolkiiba dadka taableysan la gaarsiiyaa. Imisa ayaase ku baxda mushaariyin, safaro , xog ururis i.w.m?