Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay meelaha gaajada iyo wax la’aantu ay gaareen heerka ugu liita aduunka. Maalaayiin dad ah ayaa waxay ku nool yahiin nolol aad u hooseeysa. Dadkaasi waxaa cariiri uga jira wax kasto oo daruuri u ah aasaaska nolosha; haday noqon laheyd cunto, amni ama hoy intaba.
Sidaasoo ay tahay, dadkaa daruuftu haysato meel walba oo ay joogaan waxaa dhex wareegaya boqolaal gaari oo nooca 4X4 u badan, kuwaas oo ay ku dul qoran yahiin xarfo la soo gaabiyey. Gawaaridan badanaa waxaa wata dad sheeganaya in ay u shaqeeyaan ururo samafal.
Dadka ururadan u shaqeeya waxay ku socdaan gawaarida wadanka lagaga socodo kuwa ugu tayo roon. Waxay ka soo toosaan oo ay dagan yahiin ama u kireysan guryaha/hoteeladda magaalo walba ugu hillan. Waxayna helaan mushaar iyo dakhli aad uga sareeya midka dadka wadanka ku nool ku shaqeeyaan.
Waxaa lala wada socdaa hantida dadkani istimaalayaan in ay ka timaado tabarucaadka ay bixiyaan dadka ku nool wadamada dhaqaalahoodu horumarsan yahay. Siiba dadka ku nool wadamada Galbeedka iyo Khaliijka carabta.
Dhaqaalahaas waxaa loogu talo galay in wax loogu qabto dadka tabaaleysan. Ujeedaduna ma aha in 20% wax ka badani ay ku baxaan maamulka iyo mushaarooyinka dadka deeqdan maamulaya.
Sanadkii 2008 lacag 600 milyan oo doolar kor u dhaaftay ayaa Soomaliya deeq ahaan uga soo gaadhay wadamada reer galbeedka kaliya. Mida wadamad khaliijka ka soo gaadhayna waxa la rumeysan yahay in aysan taas ka yareeyn. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxaa ay tahay. Muxuu yahay saamiga la gaarsiiyey dadka tabaaleysanaa?
Saami intee le’eg ayaa ku baxa mushaarooyinka, xog uruurinta, la taliyaayaasha u shaqeeya ururada caalimiga ah iyo kuwa dilaaliinta u noqday ee la sheego inay fuliyaan waxqabadkii loo bahnaa in dadka tabaaleysan loo qabto?
Sidee lagu hubin karaa in uusan ururadan kharashkoodu ka badan midka dadka tabaaleysan wax loogu qabnayo? Dadka ururadan u shaqeeya ee qaadanaya mushaarka iyo dakhliga aadka uga sareeya mida dadka wadanka ku nooli heelaan waxqabadkooda tayadiisu see tahay?
Su’aalahan iyo kuwa la midka ah ma sahlana in jawaabtooda si fudud loo helo. Deeqahan badankoodu waa deeqo gargaar ahaan wadanka loo soo gaarsiiyo. Gargaarka deeqda ahina waa cunto, dawo iyo wax markaa naftu yey ka dhicin looga dan leeyahay. Waxaase taa dhinac socda taageero badan oo wadanka loo soo gaarsiiyo in wax lagu horumariyo. Deeqaha noocan ah ayaa loo baahan yahay in feejignaan dheeriya la siiyo.
Ururadan iyo hay’adaha ay ku xiran yahiin, waxay marwalba ka hadlaan baahida loo qabo, in wax walba la muujiyo sida ay u shaqeenayaan (transparency). Runtiina waa arin aad u wanaagsan haddii la hirgaliyo. Qof walba waxaa u muuqaneysa waxa doorkiisu yahay. Sidoo kalena wuxuu arki karayaa waxa xaqiisu yahay. Haday taasi dhacdana waxaa yaraaneysa in qof xaqiisa la duudsiyo. Wax muujintu waxay ku haboontahay inay noqoto, wado labada dhanba loo raaci karo. Kuma haboona in hal dhan kaliya laga dalbado.
Ururadan iyo Hay’adaha ay ku xiran yahiin waxaa caado u ah, in mid wabaa uu tabeelo magacoodu ku qoran yahay ku dhajiyo meeshii uu wax ka qabanyo. Waa arin wanaagsan in la muujiyo magac hay’ada maal galineysa iyo mida fulineysa.
Sida ay magacooda ugu qoraan meel walba oo ay wax ka qabanyaan ayaa looga baahan yahay in mashruuc walba ay ku qoraan:
- Guud ahaan qarashka loogu talo galay mashruuca,
- Inta mushaarooyin iyo kharashaadka u baxaysa,
- Inta dadka tabaaleysan toos u gaareysa,
- Iyo inta Ururka fuliniya qaadanayo.
Sidaa haddii la yeelo, waxaa la rumeysan yahay, dadka tabaaleysan waxaa u kala cadaanaya cida wixii loogu talagalay soo gaarsiisay iyo kuwa ayagu ku daneysata. Qolayah mashaariicda fulintooda lagu aaminay waxay ogaanayaan in dadku ogyahiin qarashka mashruuca loogu talo galay. Markaana dadku waa ay kula xisaabtami wixii meesha ay ka qabteen inay yahiin wixii la rabay. Waxay yareyneysaa in dadka laga been sheego. Wax aan loo qabana la yiraahdo waa loo qabtay.